24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Xog: C/Welli Gaas oo xil ka qaadis sameynaya amni darro darteed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Tan iyo waxii ka dambeeyay markii dilal qorsheysan ay ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo baxaya qorshooyinka uu damacsan yahay madaxweynaha Puntland CWelli Maxamed Cali.

C/Welli Gaas, ayaa xogta aan heleyno waxay sheegeysaa inuu damacsan yahay sidii uu isku shaandheyn ama xil ka qaadis ugu sameyn lahaa xubnaha maamulka gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu donayo inuu xilalka ka qaado qaar kamid ah saraakiisha dhanka amaanka ee gobolka Mudug, kadib markii dayacaad amni uu dareemay.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in cutubyo kamid ah ciidamada Puntland la geeyay magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland, kuwaasi oo maalmahaan magaalada baaritaano ka waday.

Madaxweyne Gaas ayaa doonaya in wax badan laga badalo amaanka magaalada Gaalkacyo islamarkaana ciidamada cusub ay helaan hogaan cusub oo xaqiijin kara amaanka.

Gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacay dilal qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News