Video: Erdoğan oo aad uga carrooday arrin lagu xantay gabadhiisa iyo seyga qaba

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa wacad ku maray in la xakameyn doono isticmaalka baraha bulshada kadib markii Twitter-ka lagu aflagaadeeyay gabadhiisa iyo ninka qaba oo cunugii 4-aad u dhashay, su’aalna lagu geliyay aabanimada

Caro iyo in baraha bulshada lagu hadal haayo ayaa ka dhalatay aflagaadaasi loo geystay gabadhiisa Esra iyo wasiirka maaliyada Berat Albayrak oo ay u dhaxda, mareegaha Twitterkana ku shaaciyay ilmaha qoyska kusoo biiray ee loo bixiyay Hamza.

Baahinta sawirka ilmaha u dhashay qoyska ayaa waxaa ka falciyay dadkii ku xirtaa mareegtooda, kuwaasi oo su’aal geliyey aabanimada Albayrak.

Warbixinta oo dhameystiran Muuqaalka hoose ka daalaco.