Isku soo duuduub, dardar gelinta shaqada uu hada Dr. Gaas wado, ayaa loo badinayaa in la xariirto damaciisa in uu ka mid noqdo musharaxiinta jagada Madaxwayne ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, oo uu waayey markay intaan ka fududnayd. Maantana ay ka adag tahay sidii hore, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in taageeradii buuxday, ee uu ka haystey Puntland, uusan maanta ka haysan.
Waxaana arintaa dhalisey in beelaha qaar ka biyo diideen siyaasad gelinta hogaanka oday dhaqameedyada beelaha Puntland, oo qaar ka mida uu ka dhigay in ay yihiin mansabka, magaca ama jiritaanka Puntland, asagoo ogsoon in aysan hal JIFO Puntland lahayn.
Halkan hoose ka daawo Video-ga
Waxaa soo diray: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’ qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN [email protected]

