Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa beryahanba dood kulul ka taagneyd guri ku yaala degmada C/casiis ee xaafadda Liido magaalada Muqdisho. Gurigan oo ay isku heystaan Nin hore u deganaa oo lagu magcaabo Xashi Bulxan Furre iyo laba gabdhood oo sheegay inay iibsadeen, waxaan halkan ku heynaa caddeyn kale oo gabadhuhu saxaafadda u soo bandhigeen.
Kiiskan oo la siyaasadeeyay warbaahin badanna ay uga faa’iideysatay in lagu aflagaadeeyo beelo wuxuu noqday mid dadku ku wareeraan.
Duniyo Max’ed Faarax iyo Haweeyo Xirsi Faarax waxay soo bandhiga Docomentiyada sharciga ah ee ay guriga kula wareegeen iyagoona beeniyay warar uu siiyay Telefeshinada qaar, iyo Website-yada Xaashi Bulxan Furre oo ahaa Darawalkii Max’ed Siyaad Barre Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee ku sheeganayo gurigaasi oo muddo uu si xoog ah ku heystay.
Gabdhahaan Soomaaliyeed ayaa markii ay iibsadeen guriga waxa ay ugu tageen Xaashi Bulxan Fuure oo qoray caaraddii ku soo jeediyay uguna hanjabay in uu dilayo haddii aysan joojin sheegashadooda guriga.
Intaas kadib ayey sheegeen in ay u dacwoodeen saldhiga Degmada Cabdicasiis iyo maamulka degmada illaa heer Gobol inbtaba islamarkaana markii la xaqiijiyay lahaanshahooda gurigaan uu is hortaag ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.
Guriga ayaa la dhigay Ciidamo Koofiyo Cas ah oo Ra’iisul Wasaaraha taabacsan iyo abaanduulihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi kuwaas oo qaab qabiil ku difaacayay Xaashi Bulxan Fuure oo aan heysna wax sifo sharci ah oo uu ku sheegto gurigaas.
Beelaha ay ka soo kala jeedaan Gabdhaha iyo Xaashi ayaa kulan ay wada qaateen waxa ay heybta xaashi ku andacoodeen in wixii dowladda ay go’aan qaadato ay ku qancaan xilli gabdhahaan loogu awood sheegtay qori caaradii, garaado dowladeed iyo xasaanad qarab oo shaar qabiil huwan.
Intaas kadib ayaa Gabdhuhu ula tageen dacwadooda Xeer Ilaalinta oo ay tuseen Docomentiyadooda, kaas oo faray Wasaaradda Amniga in gabdhaha gurigooda lagu wareejiyo, hayeeshee Ciidamadii Boliiska la faray in gurigaas ay ku wareejiyaan gabdhaha ayaa waxaa Xabad kala horyimid Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Abaanduulihii hore Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.
Ugu dambeyn arrinta ayaa wxaa soo fara geliyay madaxda sare ee dowladda waxaana amar lagu bixiyay in guriga Ciidamo Nabad Sugid ah la dhigo.
Sidaas daraadeed ayaa Gabdhahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee loogu awood sheegtay shaarka qaran ee Huwan Qabiilka , heystana cadeymaha Lahaanshaha gurigaan waxa ay ka dalbanayaan Madaxda Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha , Ra’iisul wasaarah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in gurigooda lagu wareejiyo.
“Annaga Docoments-kaan ayaan heysnaa xaashi yuusan Telefishinada been uga Ooyine ha keensado wuxuu ku sheeganayo guriga hadii naloo awood sheeganayo waa mid kale” Sidaas waxaa tiri Duniyo Max’ed Faarax.
DAAWO DOODA LABADA HAWEEN