Xiisada Kaliil & Ethiopia oo xoogeysatay & Kaliil oo taageero cusub ka helay mee ana la fileynin.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa taageero buuxda u muujiyay iney siinayaan godoomiyihii gobolka Gedo, maadaama shalay ciidamada Ethiopia ay ku hareereysmeen guriga uu Garbahaareey ka tagan yahay Maxamed Cabdi Kaliil.

Korneyl Cismaan Nuur Xaaji, oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee Gedo ayaa sheegay in gudoomiyaha rasmiga ah ee Gedo  u aqoonsan yihiin Maxamed Cabdi Kaliil ayna difaaci doonaan, haddii weerar kasta uu la kulmo.

“Gudoomiyaha Gobolka Gedo waxaan u aqoonsanahay Maxamed Cabdi Kaliil. Wuxuuna Gudoomiye ku noqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilkaasi u magacawday.”  Ayuu yiri  Korneyl Cismaan.

Korneyl-ka ayaa sheegay ineysan heynin amar kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo xil ka qaadis loogu sameeyay Maxamed Cabdi Kaliil, qorshahaasna uu wato Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

“Illaa iyo hadda ma hayno amar ka soo baxay Dowladda Federalka Somaliya oo xilkaas looga qaaday Gudoomiye Kaliil, sidaasi daraadeed ma aqbali karno sifo aan sharci ahayn in xilka looga qaado.” Ayuu yiri Korneyl Cismaan Nuur Xaaji.

Korneyl Cisman Nuur ayaa la weydiiyay waxa ay sameyn karaan haddii ciidamada Ethiopai ay damcaan iney xiraan Maxamed Cabdi Kaliil?

“Haddaan nahay Ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed waxaan difaaci doonnaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo, waxaan ka difaaci doonnaa cid kasta oo damacda inay soo xirto.” Sidaasi waxaa yiri Cismaan Nuur Xaaji.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com