Xildhibaanno soo jeediyay QORSHE cusub oo la xiriira mooshinka ka dhanka ah XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaal ka tirsan BF Somalia oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho, ayaa qiray in uu sii xoogeysanaayo Khilaafaadka ka dhashay Mooshinada is barbar socda ee midna looga soo horjeedo Madaxweyne Xassan, halka kan kalane lagu taageerayo Xassan.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Mustaf Mukhtaar oo kamid ahaa Mudanayaasha shirka Jaraa’id qabtay ayaa cadeeyay in Mooshinka uu abuuray walaac hor leh Beesha Caalamkuna looga baahan yahay in wax muuqda ay ka qabato Mooshinada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Mooshinka looga soo horjeedo Madaxweyne Xassan uu xambaarsan yahay culeys, halka kan lagu xafidaayo Xassana uu yahay mid isna meeshiisa taagan balse loo baahan yahay in xiligaani kala guurka ah xal loo raadiyo dalka si looga gudbo khilaafyada ama isqabqabsiga taagan.

Madaxweyne Xassan ayee sheegen in wakhti kooban ay u harsan tahay islamarkaana Mooshin wadayaasha looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Maslaxada dalka si wakhtiga harsan ay DF u gudato waajibkeeda.

Waxa ay sidoo kale sheegen in iyagoo 126 Xildhibaan ah ay kasoo horjeesteen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ayna Mooshin kaasi lamid ah u gudbiyeen Gudoonka sare balse guddoonka ay ka sugayaan inay cadeeyaan in Mooshinka uu jiro iyo in kale.

Waxa ay intaa ku dareen in Baarlamaanka arintiisa aanu ka galin xeer Jajab balse lagu dhameeyo dastuur iyagoo meesha ka saaray in uu khilaaf ka dhaxeeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Waxa ay intaa raaciyeen in Baarlamaanka aanu eed u qabin xukuumadda, xitaa arinta Madaxweynaha laga sheegayo ay sharci darro tahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanadaani ayaa imaanaya Xili walaac laga qabo in Mooshinka Xassan Sheekh lagu laalayo uu hirgalo, bacdamaa ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com