Xog: Ciidamo Soomaali ah oo lagu arkay Yemen iyo Imaaraadka Carabta oo shirqool u dhigay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo u dhashay dalka Soomaaliya tababarna ku qaatay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay lagu arkay gobol kamid ah dalka Yemen oo dagaalo xoogan ay ka socdaan.

Ciidamada Soomaalida oo ku labisay Tuutaha askarta Imaaraadka carabta ayaa lagu arkay gobolka Marib  ee dalka Yemen, iyaga oo caawinaya ciidamada Imaaraadka iyo ciidamada dowlada Yemen.

Warbaahinta dalka Yemen ayaa baahisay in ciidamadaasi yihiin kuwo tababar ahaan loogu qaaday Imaaraat-ka, waxaana loo wareejiyay dalka Yemen, sida warbaahinta ay baahisay.

Qaar kamid ah Soomaalida Dalka Yemen ayaa walaac ka muujiyay arinta la xiriirta ciidamada Soomaalida ee tagay Yemen, maadaama Soomaalida qaar ay ku nooshahay goboloa Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan.

Wadamada Khaliij-ka ayaa doonaya in ciidamo badan oo dhulka ah la geeyo dalka Yemen si ciidamada Xuutiyiinta looga adkaado, islamarkaana tallada dalkaasi lagu soo celiyo dowlada Yemen uu madaxweynaha ka yahay Cabdi Rabbuh Mansur Haddi.

Imaaraatka ayaa shirqoolay dhalinyarada Yemen lagu arkay maadaama magaalada Muqdisho looga qaaday iney tababar kusoo qaadanayaan dalkaasi, kadibna lagu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Xasan Sheikh, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka wuxuu saxiixay in ciidamo  Soomaali ah loo diri karo dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com