Video: Hadalkan Sheekh Shariif ma u diidayaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo?

Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee sanadkaan isku diiwaan galiyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Somalia, laakiin diiwankiisa waxaa hareynaya arrimo badan.

Dadka qaar ayaa qaba inuu kusoo laaban karo kursiga laakiin markii aad dib u milicsato jawaabtii uu ka bixiyay muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Somalia waxaad dareemeysa inuusan Shariif qaadan karin door madaxweyne.

Waa kuma madaxweyne? waxaan filaya inuu qof walba oo maqaalkan aqrista uu ka jawaabi karo, laakiin ka waran hadii uu madaxweynihii dalka ku qudbeeyo inuusan heshiisyo waa weyn oo dalku uu galay uusan waxba kala socon.

Waxaan aniga oo iska daawanaya Youtube ku arkay muuqaal Shariifka oo ka jawaabaya su’aal xiriirta badda Soomaaliya oo la weydiiyey. Xaqiiqdii aad ayaan uga naxay sida uu uga jawaabay iyo mas’uuliyad darrada ka muuqata

Shariif waxaa uu muranka Badda ku tilmaamay arrin la siyaaadeeyay marka la eego xliliga ay kusoo aaday, si markii loo dhaho waa macquul in siyaasad loola jeedo xiliga ay soo baxday laakiin waxaad u mooda mid ku dhacay inuu jawaab toosan ka bixiyo waxa uu kiiska bada kala socdo.

Wuxuu isaga riixay Ra’iisul wasaarihii xiligaas Cumar Cabdirashiid iyo wasiirkii iskaashiga caalamiga ahaa ee xiligaas C/raxmaan Cabdishakuur isagoo yiri “waxba kalama socdo laakiin hadii ay xumaan keentana labadooda ayaa leh, hadii ay wanaag keentana iyagaa leh.”

Dabcan ma jiro siyaasi waqti doorasho isaga fogeyn lahaa wax wanaagsan oo ay Dowladiisu qabatay xiligii uu madaxweynaha ahaa, laakiin sababta uu Shariif isaga riixay kiiska Bada waa mid aan fasiraad badan u baahneyn.

Wax ay ahaataba Shariifka isagaa dalka madaxweyne ka ahaa markii heshiiskaas la galay, inuu yiraahdo aniga waxba kalma socdo, waxaa macnaheedu yahay inuusan dalka iyo mas’uuliyaddii la saaray ka seexday.

Arintaan ayaa culees badan ku noqon doonta wadaad diimeedkan siyaasada fahmay waxaana dad badan oo daawaday jawaabihiisa ay shaki ka qabaan sida uu uga war heyn karo dalka oo dhan hadiiba uusan ka warheynin heshiiskii badda ee Somalia iyo Kenya, ee qof kasta oo Soomaali ah maskaxdiisa ku taagan.

Dadka arrimaha caalamiga ah u kuur gala ayaa is weydiinaya hadii ay dhacdo in Shariif uu ku guuleysto doorashada sanadkaan waxa u dambeyn doono muranka badda ee Somalia iyo Kenya.

W/Q: Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com