Maxkamad laashay qeyb ka mid ah go’aankii Trump uu ku mamnuucay 7-da dal

New York (Caasimada Online) – Garsoore maxkmadeed ayaa soo saaray amar lagu hakinayo in dalka Mareykanka laga celiyo dadka haysta Visa-ha Mareykanka ee kasoo jeeda toddobada dal, oo Somalia ay ku jirto, ee Trump uu dadkooda ka mamnuucay Mareykanka.

Ururuka u dooda xuquuqda madaniga ee ACLU ayaa sabtidii dacwad ka dhan ah maamulka madaxweyne Trump ka diiwaan geliyey maxkamad.

Go’aanka kasoo baxay Ann Donnelly oo ah xaakimka maxkamadda federaalka ee Brooklyn, New York, ayaa u ogolaanaya dadka uu saameeyey go’aanka Trump, xilli ay diyaarad soo saarnaayeen, islamarkaana soo galay Mareykanka, inaan dib loo celin.

Xaakim Ann Donnelly, ayaa go’aankeeda ugu cudur daartay in haddii dadka soo galay Mareykanka dib loogu celiyo dalalkooda ay noloshooda halis gali karto.

Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii 100 illaaa 200 qof oo Visa kusoo galay Mareykanka lagu xiray garoomada diyaaradaha, markii uu soo baxay amarka madaxweyne Trump.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ayada oo kumanaan qof ay garoomada diyaaradaha ee dhowr magaalo ka dhigayaan dibadbax ka dhan ah go’aanka Trump.

Aqalka Cad ayaan weli wax war ah kasoo saarin go’aanka maxkamadda. Waaxda caddaaladda ayaan sidoo kale la ogeyn inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka maxkamadda iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com