28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Arrin cusub oo kusoo korartay xiisadda Galmudug iyo xil ka qaadistii Guuleed?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan arinta la xiriirta xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii codka kalsoonida ay kala laabteen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Waxaa magaalada Muqdisho loogu yeeray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaanada ugu waaweyn ee horkacaya xil ka qaadista madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada qaarkood ayaa waxay magaalada Muqdisho kula hadleen xubnaha beesha caalamka, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada oo uu horkacayo Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug inuu kusoo dhamaaday is afgarad.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in beesha caalamka ay usoo jeedisay xildhibaanada Galmudug inay dib u dhigaan doorashada madaxweynaha Galmudug ee ay iclaamiyeen , maadaama ay ku aadan tahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News