24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sawirro: Dhallinyaradii gabadha ku kufsaday Goldogob oo la xukumay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Goldogob (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamad lasoo taagay dhalinyaradii gabadha Soomaaliyeed ku kufsaday degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Maxkamada oo dadweyne badan ay ku sugnaayeen ayaa waxay xukuno kala duwan ku riday dhamaan dhalinyaradii ku lug lahaa dhibaatada gabadha loo geystay.

Dhalinyaraada oo gaaraya ilaa shan dhalinyaro ayaa xabsi dheer geli doona, waxayna xabsiga ku qaadanayaan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Xukunka ayaa u dhacay sida hoose:-

1-Shirwac Jamac Junle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Dhamaan dhalinyarada ayaa xukunka kadib loo qaaday magaalada Gaalkacyo halkaasi oo looga sii gudbin doono magaalada Garowe si ay xabsiga sanadaha ah ugu dhameystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News