29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Shariif Xasan oo xildhibaanada ka keenay mooshinka kala diray iyagoo qoslaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulan khaas ah la qaatay Xildhibaanada dhawaan Mooshinka ka gudbiyay.

Shariif Xasan ayaa Xildhibaanada kala hadlay Mooshinka ay wadaan waxa uuna ka dalbaday inay hakiyaan Mooshinka oo wax waliba lagu dhameeyo isfahan.

Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada u ballanqaaday in waxbadan uu ka bedelo doono waxyaabaha keenay cabashada si loo dardar galiyo howlaha horyaal maamulka.

Xildhibaan ka tirsan maamulka oo sababo jira dartii uga gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa sheegay in Shariif Xasan ay ka gudoomeen min $2,000 oo dollarka Mareykanka ah, waxa uuna intaa raaciyay in Shariifka ay ka heleen ballanqaadyo.

Xildhibaanka waxa uu intaa raaciyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye isna loo diray Fasax dibadda ah si uu usoo dhameysto howlo qabyo u ah, sida uu haddalka u dhigay.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu intaa raaciyay in Hogaamiyaha maamulka uu u ballanqaaday in fasax 2 bilood ah ay gali doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka, si ay u helaan nasiino gaaban.

Xildhibaanada ayaa Mooshinka u cuskaday shaqo gudasho la’aan ay ku eedeeyeen Hogaamiyaha maamulka, waxaana iminka muuqda in Mooshinkaasi uu xaliyay Shariif Xasan.

Caasimada Online

XafiiskaMuqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News