32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Somaliland oo mar kale soo saartay go’aan ku saabsan baasaboorka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee ka tirsan maamul Goboleedyada Somalia ayaa mar kale mamnuucday Baasaboorka Somalia .

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maamulka Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiirey Farotoon ayaa goordhow shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Wasaaradiisu ay mamnuucday isticmaalka Baasaboorqda Somalia.

Wasiir Yaasiin oo ay wehliyaan Wasiiro dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirka Duulista maamulka ayaa sheegay inaan Somaliland lagu soo gali doonin Baasaboorka Somalia isla markaana looga dhoofi Karin.

Wasiir Yaasiin ayaa sheegay in Shacabka Somaliland looga baahan yahay inay qaatan Kaararka Aqoonsiga si buu yiri looga dhex garto waxa uu ku sheegay Ajaaniibta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Garoomada maamulka ay ka mamnuucen in looga soo dego Baasaboorka Somalia isla markaana aan looga dhoofi Karin.

“Cidii lagu arkaa iyadoo Garoomada Somaliland kaga soo dageysa Baasaboorka Somalia misna kaga dhoofeysa waa xarig ”

Dhinaca kale, Wasiir Yaasiin ayaa ka digay in dadka kasoo jeeda Somaliland ay isticmaalan Baasaboorka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News