32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro: Musharax la sugayay oo Muqdisho yimid lana guddoon siiyay shahaadada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo safar dibada ah kasoo laabtay lana guddoon siiyay shahaadada tartanka madaxweynenimo: SAWIRRO

Murashaxa xilka madaxweyne u tartamaya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo maalmahaan dalka dibadiisa howlo shaqo ugu maqnaa ayaa maanta {Axad} dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaano iyo siyaasiyiin.
Murashax Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa loo soo galbiyay hotelka City Palaca, halkaasi oo uu kula hadlay qeybihii kala duwanaa ee kusoo dhoweeyay garoonka iyo hotelka, isagoo aad ugu mahad celiyay sida qiirada leh ee ay ugu qeyb qaateen soo dhoweyntiisa.
Dhinaca kale, murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa buuxiyay shuruudigii laga rabay murashaxiint oo ay ku jirto inay bixiyaan 30 kun dollar oo ah diiwaan gelinta.
Eng. Cabdullaahi ayaa sheegay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweyne isla markaana waajib ka saaran yahay samata bixinta ummadiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaatada hadda jirta ee dalka ka jirta inay ka dhalatay siyaasad xumo ragaadisay horumarka dalka iyo dadka.
Wuxuu kaloo uu sheegay in haddii uu guuleysto iyo haddii laga guuleystaba uusan marnaba joojineyn dadaalada uu wax ugu qabanaayo wadankiisa, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qof walba mas’uuliyad ka saaran tahay u adeegida dalkiisa.
Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ah aasaasaha Hay’adda Waxbarashada iyo Horumarka {CED} wuxuu in ka badan 20 sano ka shaqeynayay arrimaha bulshada, isagoo wax badan kasoo qabtay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, gargaarka degdega, wacyi gelinta iyo horumarinta beeraleyda.            

Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo safar dibada ah kasoo laabtay lana guddoon siiyay shahaadada tartanka madaxweynenimo: SAWIRRO

- Advertisement -

Read more

Local News