Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mida qodobadda shuruudaha looga dhigay Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muran weyn ka taagan yahay iyadoo la isku qabsaday qaabkal oo dhaqan gelinayo.
Qodobkan oo ah DOODA MUSHARIXIINTA LOO QABANAYO ayaa waxaa musharaxiinta intooda badan ay diideen inay doodaasi hagaan weriyeyaasha TV-ga dowladda ee SNTV, iyagoo dalbaday in qof dhexdhexaad ah la soo xulo.
Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha marka laga reebo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid ayaa u arka in weriyayaasha ka howlgala TV-ga dowladda aanay dhexdhexaad ahayn oo ay u xaglinayaan musharixiinta xilka dowladda weli haya, sida ay baahisay idaacadda Dalsan ee Muqdisho.
Dhinaca dowladda ayaa wadatay C/raxmaan Yuusuf Cadaalla oo si weyn ay uga hor yimaadeen musharaxiinta, iyagoo ay jireen magacyo kale oo la soo gudbiyay.
Qaabka doodau u dhaceyso, sida loogu qeybinayo musharixiinta tirada badan ayaa iyaduna noqoneyso dhibaato kale oo sii adkeyneysa in qodobkan la fuliyo, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu baaqo in dood loo qabto musharixiinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

