VIDEO: Haweeney Soomaali ah oo jirta 130 sano oo wareysi xiiso leh bixisay

Riyaadh (Caasimada Online) – Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Sheekh Cali ayaa sheegtay in ay da’deeda tahay130 sano jir iyo wax ka badan. Waxa ay tilmaamtay inaysan waxba qorin, waxna aqrin, balse xiligii ay ka sheegeysay iyo waayihii hore in ka badan 130 sano laga joogo.

Haddii ay da’da Fadumo sheegeyso ay dhab tahay, ama baaris lagu sameeyo, waxay ka dhigan tahay in ay tahay qofka haweeneyda adduunka ugu weyn.

Haweeneydan oo hadda ku sugan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wareysi ay siisay TV Royal ayey kaga warantay waayihii ay u soo joogtay, iyadoo ka sheekeysay dhacdooyin xanuun badan oo ciidamada Itoobiya ay ku xasuuqeen Qoyskeeda.

Fadumo Sheekh Cali ayaa da’ahaan laga dareemeyn muuqaalkeeda, hadana way ku faraxsan tahay da’da ay jirto.

Waxay ka sheegeysay muuqaalkeeda oo da ahaan lagu qiyaasayo 70 ilaa 60 sano jir, taasina ay ku timid, nafteeda oo ay ku xanaaneysay cunooyinka ay qaadata ay yihiin kuwo diiran, kuna soo kortay Soor iyo Caano.

Wiilkeeda ayey sheegtay Fadumo in uu hadda jiro 80 sano jir.

Haweeneyda adduunka ugu weyn ayaa hadda ah Misao Okawa oo u dhalatay dalka Japan, taasoo jirta 116 sano oo bishii lasoo dhaafay u dabaal degtay.

Halkan ka daawo Wareysi xiiso leh

Caasimada Online

Xafiiska Riyaadh

Caasimada@live.com