Ismaacil Hure Buubaa oo dhaliilay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaacil Hure Buubaa ayaa dhaliilay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoona sheegay in shaqadooda dhan ay ka dhigteen mooshino iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay xildhibaannada baarlamaanka in looga fadhiyay in ay meel mariyaan golaha garsoorka iyo maxkamadda badbaadinta taasoo lafdhabar u ah dagannaanshiyaha dalka sidda uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay in la yimaadaan hab dhaqan ka duwan kan hadda ay ku shaqeeyaan haddii kale aan horumar la gaari karin.

Hadalka Ismaacil Hure Buubaa ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo shaley hortagay baarlamaanka u sheegay in ay jiraan xildhibaanno badan oo ka gaabiyay shaqadooda kuwaasoo ka shaqeenaya dhibaatooyinka ka jirra dalka.

Xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa leh baarlamaanka Soomaaliya waxay noqdeen kuwa shaqadooda ka gaabiyay kana door biday in ay dantooda uun eegtaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa howllo badan laga sugaa taasoo ay ka mid yihiin in dhammeestiraan dastuurka qabyo qoraalka ah iyo in sameeyaan shuruucyo badan oo dalka lagu hago ka hor 2016-ka.

Waxaa kaloo sheegis badan in ay jiraan xildhibaanno badan oo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka kuwaasoo danahooda gaarka uun eegta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com