Kooxda ISIS oo qabsatay magaalada Tel Afar ee Ciraq iyo dunida oo yaaban

Tel Afar (Caasimada Online) – Maleeshiyada suniyiinta waqooyiga Ciraaq ayaa qabsaday magaalada Tal Afar. Dadka degan magaalada Tal Afar ayaa  sheegay in magaalada ay qabsadeen kooxda ISIS.

Askartii iyo boliiska ayaa magaalada ka cararay iyagoo ka tegay hub. Laakiin dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in dagaalka uu wali socdo.

Magaalada oo ay ku nool yihiin laba boqol oo kun oo qof ayaa waxaa ku nool shiico iyo suni, dad shiica ah ayaa qaxay iyagoo ka baqaya in la beegsado.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu iskubadalayo mid la isaga soo horjeedo shiica iyo suni, waxaana ugu wacan sunniyiinta oo laga qadiyey awoodaha xilalka muhiimka ah iyo maamulka dowladda hogaamiye Nuuri Al-Maaliki.

Maraykanka ayaa bilaabay inay inay la bixiyaan shaqaalaha diplomaatiga Baqhdad, iyagoo gaynaya meelaha Kurdishka ay maamulaan ee waqooyi bari iyo Basra oo ku taal koonfurta.

Qorshaha xigga ee kooxda ISIS, ayaa ah inay gacanta ku dhigaan magaalada Baghdad, taasi oo noqon doonta burb-burka dowladda Ciraq. Dunida ayaa ka yaaban xaaladaha cusub ee Ciraq, lamina yaqaan sida xaal ku dambeyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

Caasimada@live.com