Video: Hibo Nuura shaacisay Xilliga ay fanka ka fariisaneyso

Muqdisho (Caasimada online) Fanaanada weyn ee Hibo Maxamed Gudoon Hibo Nuura, ayaa sheegtay inay ku howlan tahay sidii Gabi ahaanba ay uga fariisan laheyd Saaxada Fanka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay inay qorsheyneyso in sanadka Soo socdo inay gabi ahaanba joojiso Fanka isla markaana ay ka fariisato , iyadoona sheegtay ka hor inta aysan fanka ka fariisan inuu qorsheheedu uu yahay inay Soo Xajiso.

Sanadka 2014-ta ayay sheegtay inay tahay waqtiga rasmiga ah oo ay dooneyso inay tagto Beedka Alle iyo inay ka fariisto fanka , waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dalbatay inay u duceeyaan si sanadka dambo ay uga mid noqto dadka nasiibka u yeesha ka qeyb galka Xajka ..

Halkan ka daawo Hiba Nuura

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com