Video: Imaamka masjidka xaramka oo si dirqi ah ku idleeyey tujintii salaadda

Makka (Caasimada Online) – Imaamka Masjidka barakeysan ee Xaramka Maka Al-Mukarama Sheikh Abdul Rahman Sudaysi, ayaa dirqi ku dhameeyay salaadii Maqrib ee khamiistii lasoo dhaadhay, kadib markii uu ragcadii koowaad ee salaada isaga oo akhrinayay Suuratu Faatixa uu si adag u saxday, codkiisiina dafiicay.

Telefishinada Sacuudiga iyo dalalka Carabta oo si toos ah looga daawanayay Sheik Abdul Rahman Sudeysi oo tujinayay Salaada ayaa dhowr daqiiqo ah ku qaadatay inuu qufaco, codkiisiina gaabto, isagoo mudo daqiiqado ahna kari waayay inuu sii wado.

Sheekha ayaa laga dareemay saxashada ku dhacday inay aheyd mid aad u sareysay oo codkiisii badashay.