Video: Khudbad qosol iyo xaqiiq badan: Muxuu Salaad Cali ka yiri Faarax C/qaadir iyo Abgaal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa jeediyey khudbad dad badan ay ku sheegeen inay tahay tii ugu qosolka iyo run sheega badneyd ee uu abid jeediyo.

Salaad Cali Jeelle ayaa khudbaddiisa si aad ah ugu weeraray dowladda Soomaaliya iyo Faarax Cabdulqaadir oo uu sheegay inay dalkii oo dhan wada dhaceen.

Wuxuu sheegay in Faarax uu ka faa’iideysanayo beesha uu ka dhashay oo uu laan-gaab ku sheegay, halka uu sheegay in hadda beesha uu Salaad ka dhashay ay Soomaaliya ka tahay dhibane.

“Abgaal ayaan ahay cid qaxootinimo lagu sinayo ma jirto, mashruucyada waxaa qaata dadka laga tirada badan yahay”. Ayuu yiri.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay oday dhaqameedka dheeriga ah ee 135-ka oday loogu darayo Faarax Cabdulqaadir dartiis.

Hoos ka daawo khudbad qosol badan.