Axmed Madoobe oo Maxamuud Sayid u isticmaalaya dagaalka uu ku hayo beesha Mareexaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa laba jibaaray dadaalada uu ku kala diraayo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Mareexaan ee xilalka ka haya maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa xil ka qaadista Siyaasiyiintaasi u adeegsanaaya madaxweyne ku-xigeenka Koowaad maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, kaasi oo dhowr mas’uul ku sameeyay xil ka qaadis degdeg ah, tan iyo markii Sayid xilkaasi loo magacaabay.

Sayid ayaa mudada uu xilka hayay xil ka qaadis ku sameeyay Siyaasiyiin dhowr ah, waxa uuna sidoo kale kala diray Guddoomiyayaal ka kala tirsanaa maamul Goboleedyada hoostaga maamulka Jubbaland.

Sayid ayaa saacado yar un ka hor xil ka qaadis ku sameeyay maamulka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, koonfurta Somalia.

Maamulka uu Degmadaasi u magacaabay ayaa ka kooban 15 xubin, iyadoo mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay u badan yihiin kuwo kasoo jeeda Beesha Mareexaan, waxa uuna qaarkood ku bedelay mas’uuliyiin kale oo ku heeb ah Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq waxaa loo magacaabay Ibraahim Guuleed oo horayna u ahaa halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Sahal Macallin Aadan.

Sidoo kale, xil ka qaadista ayaa saameyn xoogan ku yeelatay mas’uuliyiin dhowr ah kuwaasi oo aan iminka loo dhiibin wax xil ah.

Maaha xil ka qaadistii ugu horeysay oo uu sameeyo Sayid waxa uuna horay xil ka qaadis ugu sameeyay mas’uuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com