QM oo ka hadashay go’aanka lagu saxiixay sharciga axsaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay go’aanka uu Madaxweynaha Somalia ku saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

Keating, waxa uu sheegay in saxiixa Xassan Sheekh uu mar waliba ahaa mid lama huraan ah, waxa uuna tilmaamay in sharcigaasi uu ahmiyad gaar u leeyahay Somalia.

Keating, waxa uu sheegay inuu dareemaayo in dhibaatooyin siyaasadeed uu Xassan Sheekh kala kulmi doono Sharciga Madaxweynaha Somalia ku saxiixay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Michael Keating in Sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee dalka Somalia ka jira.

”Waan ka mahadcelineynaa saxiixa sharciga Axsaabta waayo waxaan dareemayaa in saxiixa sharciga uu yimid xili muhiim ah Axsaabtu hadda ayay helayaan xoriyad ku filan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe qalinka ku duugay sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

Haddalka Beesha Caalamka ee ku aadan saxiixa sharciga Axsaabta ayaa ku aadaya xili dhawaanahaani Xassan Sheekh uu ka caajisaayay saxiixa sharcigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com