Keating oo Xasan iyo R/W CC ka dalbaday jawaab ku aadan arrin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaanahaani uu muran ka taagnaa wakhti kororsiga Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa goordhow arrinkaasi ka hadlay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Michael Keating, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ku jahwareertay siyaasada Somalia waxa uuna sheegay inay mudan tahay in Madaxdu ay dhowraan xiliga doorashada ee dhawaan la filaayo inay dhacdo.

Michael Keating, waxa uu sheegay in DFS ay ku andacooneyso wakhti yare balse waxa uu ku baaqay in loo baahan yahay 6-da bisha November 2016 in uusan xil sii hayn madaxweynaha hadda dalka ka jira ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Michael Keating, waxa uu sheegay in iminka la joogo xiligii nusqaanka lagu sameyn lahaa awooda madaxda dalka waxa uuna carab dhabay in baarlamaanka iyo dowladda hadda jirta aysan mudneyn inay wixii hadda ka danbeeya yeeshaan awood ay wax ku go’aamin karaan, sida uu hadalka u dhigay.

War qoraal ah uu Mr Michael Keating u diray DFS ayuu waxa uu kaga dalbaday inay kulanka Hogaamiyayaasha Madasha ee gudaha todobaadkaani ka dhici doona go’aan looga soo saaro wakhti ay ku ekaaneyso awooda Madaxweynaha Somalia, si buu yiri loo xadido go’aan gaarista Madaxweynaha uu wakhtiga kasii dhammaanaayo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Waxaa muhiim inoo ah in war cad ay kasoo saaran Hogaamiyayaasha wakhtiga ay ku egtahay awooda Madaxweynaha”

”Waxaan soo jeedinayaa in Hogaamiyayaashu aysan wakhtiga lumin isla markaana go’aan soo saaristaani aysan ka qaadan muddo ka badan hal todobaad”

”Waxaan arrin muhiim ah u aragnaa in hal todobaad lagu kala caddeeyo iney dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waxaana rabnaa in xilligii la isku aqbalay ee kama dambeysta ahaa uu dhaqan galo”

Ergaygu waxa uu sheegay in qaabka ay u dhaqmayaan madaxda Soomaalida aysan cajabin Beesha Caalamka waxa uuna dalbaday in la cadeeyo xiliga ay ku egtahay awooda Xassan Sheekh iyo Guud ahaan tan dowlada Somalia.

Haddalka Keting ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Hoggaanka madasha qaran ayaa shaaciyeen in uu madaxweynaha kusii nagaan doona xafiiskiisa illaa doorashada madaxtinimada ay ka dhacdo 30 October ee Sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com