Isbeddel: Shirka madasha oo la bedelay waqtigiisa lana qabanayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Shirkaani ayaa waxaa isku arki doona madaxda DFS iyo kuwa Gobolada, waxaana qeyb ka noqon doona martida shirka wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, waxaase la sheegay in sababo jira darteed loo soo hormariyay shirka.

Hogaamiyayaasha maamulada dalka ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkan Madasha Wadatashiga oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

Shirkaani ayaa ka duwanaan doona shirarkii hore waxaana lagu wadaa in laga soo saaro go’aan qodobeysan.

Dhinaca kale, Qodobada diirada lagu saari doono ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashada iyo xulista labada aqal ee uu dalka yeelan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com