Qarax ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan DFS oo goordhow ka dhacay deegaanka..

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Muuri iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo galaaftay nolosha ciidamo badan oo ka tirsan DFS.

Qaraxaani ayaa waxa uu la kacay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada, waxaana ku dhintay 6 askari oo ka tirsanaa milliteriga dowlada.

Gaariga oo noociisa la sheegay inuu ahaa kuwa raaxada ayaa waxa uu xiliga Qaraxa maraayay deegaanka waaya arag, oo ku yaala inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muuri.

Gaariga ayaa waxaa la soctay 6-da Askari ee ku dhimatay waxaana la soo warinayaa in hilibkooda xitaa uu ku dhex gubtay gaariga oo uu dab qabsaday.

Cumar Carabey, oo kamid ah maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhammaan ciidamadii la soctay gaariga ay ku dhinteen Qaraxa.

Waxa uu sheegay inay adkeyd in loo gurmado 6-da Askari, hayeeshee ay dhammaantooda sababsadeen Qaraxa.

Maaha Qaraxii ugu horeeyay oo sidaa oo kale lagu laayo ciidamo ka tirsan dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com