DFS oo shaacisay xiliga Muqdisho uu ka furmi doono shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ay marti galin doonto shirka madaxda wadamada IGAD.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in shirka uu magaalada Muqdisho ka furmi doono taariikhdu marka ay tahay 10-ka bishan, waxa uuna sheegay in magaalada Muqdisho amaankeeda wax laga bedeli doono inta uu shirka socdo.

Hadliye ayaa hadalkaani ka sheegay magaalada Nairobi xili uu halkaasi kula hadlaayay Saxaafada waxa uuna xaqiijiyay in shirka ay u dhamaan doonaan madaxda wadamadaasi.

”Shirka waxa uu si rasmi ah u furmi doonaa tobanka bishaani haddii uu alle idmo waxaa kasoo qeybgali doona madaxda wadamada IGAD, waxaan rajeyneynaa inuu kusoo idlaado guul”

Hadliye ayaa sheegay in DFS ay u tabaabusheeysatay shirka waxa uuna meesha ka saaray in qabashada shirkaasi ay gacan ka geysteen dowladaha garab siiya Somalia.

Dhinaca kale, Wasiir Hadliye ayaa sheegay in amaanka magaalada uusan ahaan doonin sida uu iminka yahay isla markaana ay la imaan doonaan isbedel muuqda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com