Xassan Sheekh oo qalinka ku duugay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed Dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow si rasmi ah u saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

Madaxweynaha ayaa Sharcigaani saxiixay kadib markii Madaxtooyada dalka ay ka dhacday munaasabad kooban oo ay goob joog ka ahayen Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Ergayda gaarka ah ee Xoghaya Guud QM u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsanaa labada Gole ee DFS.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka uu yahay mid ahmiyad gaar u leh DFS, waxa uuna qiray in sharcigaani uu ahaa mid loo baahnaa in xili hore la meelmariyo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in sharciyeynta Axsaabta uu sabab u noqon karo horumar iyo abuurida afkaar kala duwan oo dalka kusoo kororto, balse ay muhiim tahay in sharciga si hufan loo tixgaliyo.

Dhinaca kale, Sharciyeynta Axsaabta Siyaasadeed Dalka ayaa ahmiyad gaar u leh Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com