25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Carte iyo Keating oo kawada hadlay 2 arrin oo xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid horay dhowr jeer u baaqday ayaa waxa uu salka ku hayay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada Somalia iyo Amniga.

Carte ayaa Michael Keating sharaxaad dheeri ah kasiiyay sida ay DFS u wado qorshaha doorashooyinka iyo Amniga, waxaana dhammaan sharaxaadasi soo dhaweeyay Michael Keating.

Michael Keating, ayaa Carte u sheegay in markii hore Beesha Caalamku qabtay shaki ku aadan in mar kale dib u dhac uu ku yimaado doorashada, balse iminka ay u muuqaneyso in DFS ay diyaar u tahay hirgalinta doorasho dalka saameysa.

Carte, waxa uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay inaysan doorashada wakhtigeeda dhaafin waxa uuna u cadeeyay in dib u dhaca hadda taagan uu yahay mid ka dhashay wakhti yarida balse iminka xal loo helay.

Carte waxa uu amaanay dowrka Beesha Caalamka ay ku leedahay Siyaasada Somalia, gaar ahaan hirgalinta doorasho wada saameysa dalka.

Dhinaca kale, Mr Carte iyo Michael Keating ayaa guul u rajeeyay DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News