Video: Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay arrin culus oo lala xiriiriyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasi oo lagu sheegay in gobolka uu canshuur sharci darro ah kusoo rogay goobaha waxbarashada.

Maamulka gobolka ayaa beeniyay inay canshuur dul dhigeen goobaha waxbarashada, islamarkaana ay ciidamo u adeegsadeen in amarka canshuurta la dhaqan-geliyo, sida lagu sheegay qoraal ururka jaamacadaha kasoo baxay Taladaada.

“Waxaa xaqiijinayna inaysan jirin canshuur uu maamulka gobolka Banaadir ka qaado goobaha waxbarashada, haddii ay noqon laheyd dugsiyada hoose/dhexe iyo jaamacadaha intaba, aysan jirin wax ciidan ah oo maamulka u diray goobaha waxbarashada si ay canshuuro uga soo qaadan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadalka Ururka Jaamacadaha kasoo baxay uu yahay mid aan loo meel-dayin, ayna hubiyaan cida canshuurahaa ka qaadeysa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xusay in goobaha waxbarashada dalka ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin, islamarkaana ay u taagan yihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen goobaha waxbarashada ee gobolka.

Hadalkaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed soo saaray qoraal uu kaga cabanayo canshuur ay sheegen inay kusoo rogeen maamulka gobolka Banaadir.