Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Somalia

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken oo farriin la xiriirta maalinta xoriyadda usoo diray Soomaaliya ayaa baaq ku aadan doorashada u jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada dalka.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 61-aad ee xoriyaddiina. Waxaan ku faraxsannahay inaan sii wadno taageerada aan siino dadaalladiina ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri Blinken. 

“Munaasabaddan darteed, waxaan boorinayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si taasi ay u suurta-galiso dhameystirka hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan,” ayuu yiri Blinken. 

Blinken ayaa intaas ku daray in tani ay muhiim u tahay in la xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada Soomaaliyeed oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dalalka taageerada ugu badan siiyaa Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalkii ka hortagay isku-daygii muddo kororsi ee Farmaajo, kadib markii ay ku hanjabtay cunaqabteyn iyo xayiraado kale, oo ka dhan ah kuwii u lugta lahaa muddo kororsigaas fashilmay.

Mareykanka ayaa hadda qorsheynaya inuu Soomaaliya dib ugu soo celiyo in ka badan 700 oo askari oo dalka uu ka saaray madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump bishii Janaayo, maalmo yar un ka hor inta aanu xilka ka degin.