Video: Maxaa xasuuqa Yahuudda ay ka wado Gaza loogu aadiyey Ramadan?

Gaza (Caasimada Online) – Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa aad u si laba kacleynaya xasuuqa ay Yahuudu ku heyso Muslimiinta Falsatiin waxaana xasuuqa ay ka ku dishay muslimiin kor u dhaafay boqolaal waxaana ay dhaawacday kumanaan kale

Hadaba maxay tahay ujeedada ay sanad walba Yuhuuda ugu soo aadiyaan xasuuqooda bisha Ramadaan ama wakhtiyada ciida ?waa arin iska cad oo waxay si xun u dhaawacayaan mashaacirta Muslimiinta.

markaad eegto warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa ka jira wadamada Islaamka qaarkood waxaad moodaa in ay eeda saarayaan Muslimiinta ama Mujaahidiinta Xamaas.

Shacabka Falastiin waa shacab waayey cid u gurmata waxaana ay sidoo kale waayeen in dawooyin iyo dhaqaatiir ku caawisay  waxa loogu yeero jaamacada carabta iyo dowlada Masar oo uu qabsaday Jen cabdifitaax Zizi waxaa ay umada ku qaldayaan in ay xuduuda furayaan si dhaawaca loo daweeyey.

Jen Zizi iyo ciidankiisa waxaa ay ku dileen raabica cadawiya iyo maydaaan Taxriir Muslimiin aad u badan iyaga oo awood ciidan oo xaddhaaf ah u adeegsanayey Muslimiinta Masar balse hal qori kuma fiiqi karaan Yahuuda xauuqeysa shacabka Muslinka ah ee Falastiin.

Muslimiinta meel walba ay joogaan waa u duceynayaan shacabka ku dhaqan Gaza ee uu xasuuqu ku socdo waxaana alle u weydiineynaa in uu guusha siiyo. Mujaahidiinta Xamaas iyo xarakada Al-Jihaad iyo shacabka Gaza oo isku duuban ayaa difaacaya shacabka rayidka ah ee aan hubka heysan halka xukaamta carabta ay kursigooda waardiye ugu jiraan.

W/Q: A/Cawale, halgan.net