BF ma is-hortaagi doonaa in Xasan Sh uu gacanta ka bixiyo badda SOMALIA?

By Asad Cabdullahi Mataan

Soomaaliya waxay leedahay mid kamid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, kuna dhereran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas (ama gacanka cadmeed), baddaas baaxadda weyn waxaa dhex jiifa khayraad aad u farabadan. Laga soo bilaabo 1991 markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya waxaa khayraadkaas guranayey shirkado iyo dalal shisheeye oo aysan jirin cid weli kula xisaabtantay.

Waxaa in badan oo warbaahinta ah qortay in sidoo kale halkaas lagu duugan sunta halista ah iyo qashinka haraaga wershedaha oo halis ku ah caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Marka Soomaaliya ay ka dhalato dawlad u adeegta danta shacabkeda waxaa markaas dhici karta in wixii badda Soomaaliya ku xad guddbayey in ka badan 20 sano in sharciga lagula xisaabtamo.

Shirkadahaas/dalalkaas xadgudubka geystey waxay fahamsan yihiin in qaanuun ahaan Soomaaliya ay gar heli karto inta uu jiro xeerka Law no. 37 oo dhigaya : in laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya leedahay 200 mayl-badeed oo dhul-badeed ah (ama Territorial Waters).

Waxay doonayaan in la yiraahdo Soomaaliya waxay leedahay EEZ oo 200nm ah, halkii ay ka ahayd 200nm oo Territorial Waters ah (cilmiga halkaas ku jiraa waxaa weeye markaad aqbashid 200nm oo EEZ waxaad si toos ah markaas badda Territorial waters ugu soo koobeysaa 12nm).

Waxaa kale oo dhacday in dawladdii KMG ahayd ee ay garwadeenka ka ahaayeen Sheikh Shariif Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ay hashiis la gashay Kenya kaas oo Kenya muran ku gelinaysey badda Soomaaliya, damaceeduna ahaa in ay cabbirato baaxad weyn oo badda Soomaaliya si ay shidaal uga sahamisato heshiisna kula gashay shirkado shidaalka sahamiya. Laakiin waxaa arrintaas si geesinimo leh isu hortaagey baarlamaankii KMG ahaa oo heshiiskaas ka dhigay “waxba kama jiraan”.

Waxaa markale shacabka Soomaaliyeed fajaciso ku noqotay in madaxweynaha hadda ee Dawladda Federaalka Xasan Maxamuud uu bilowgii bisha Ramadaanka qoraal u gudbiyey Qaramada Midoobey, qoraalkaas oo aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ku cad in uu si qayaxan uga hor imanayo xeerka Law no 37, islamarkaasna ku cadaynayo haddii cid muran kaqabto cabirka badda Soomaaliya in uu diyaar u yahay wada xaajood uu ka galo. (Miyeysan taasi ahayn wixii Kenya tu taameysey – madaxweyne ogol dhul-badeedkiisa in uu wada xaajood ka galo.)

Waxaa shacabka Soomaaliyeed ay hadda u dhega taagayaan go’aanka arrintaas uu ka qaato baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga filayaa in ay noqdaan halyeyo u dhigma baarlamaankii 2009 ee la mari waayey markii dharaar cad la isku deyey in badda Soomaaliya muran la geliyo.

Hoos ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

Faafintii: Somalitalk.com