Murankii Xasan Sh. uu badda SOMALIA geliyey oo meel sare gaaray iyo xil…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa u gudbiyay QM warqad June 30 2014, taasi oo la xiriirta badda Soomaaliya iyo in dib u eegis lagu sameeeyo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law 37 ee xadaynaya badda Soomaaliya guud ahaanteed kaas oo la meelmariyay sanadkii 1972.

Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa, ayaa sheegay in talaabadan loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu go’aan ka qaato.

Waxaa Xildhibaanada ay sidoo kale sheegeen in Xadeyn iyo murun uusan Cidna kala dhaxeyn Badda Soomaaliya Iyagoona tilmaamay in aan loo baahneyn in Kenya loo xadeeyo Badda Soomaaliya sida ay hadalka u yireen.

Xildhibaan, Saleymaan Maxamed Ibraahin, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ahaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waxuuna sheegay in Madxada Dowladda Soomaaliya aysan kala qey qeybin karin Dalka Soomaaliya, Badda Soomaaliyana ay wada leeyihiin Shacabka Soomaalyeed.

“Dalka Soomaaliya waxaa leh Shacabka Soomaaliyeed, Badda Soomaaliya looma xadeyn karo Kenya, waa wax laga xumaado maadaama Badda Soomaaliya ay tahay Hantida Shacabka Soomaaliyeed” sidaasi ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko”, oo isna ka mid ahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lagu dulminayo islamarkaana lagu baneesanayo looguna talagalay Kheyraadka Badeed ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha in lagu xaalufiyo.

Waxuu kale oo sheegay Xildhibaan Cali Seeko in amuurtan ay u taalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhabar jab ay ku noqoneyso iyo Qiyaano Qaran hadii aysan ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Warqado Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu yiri dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u taahy in ay wadahadal kala furto arrimaha badda cid kasta oo muran galisa zonka ama xadka badda Soomaaliya si dib u eegis loogu sameeyo zone ama xad badeedka Soomaaliya ay leedahay.

Halkan ka arag warbixinta iyo warqadda uu qoray Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com