Xog: 500 oo bistoolo oo lagu qeybiyey Muqdisho iyo dad miisaan culus oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, shaqaalaha wasaaradaha, shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo guud ahaan hawlwadeenada xafiisyada dawladda, ayaa waxaa loo qeybiyey bistoolado si ay ammaankooda u a adkeeyeen, naftoodana ugu difaacaan.

Sarkaal sare oo nabad sugida ka tirsan, diideyna inaan xigano ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay la bixiyey 500 bistoolo oo la siiyey xildhibaanada iyo shaqaalaha dawladda badankood.

Taliyihi hore ee nabadsugida qaranka Jeneraal Bashir Goobe ayaa bixiyey amarka lagu bixiyey bistooladahaas oo laga keenay dalka Suudaan, ka hor inta aan la casilin. Bistooladaha ayaa muddo yiilay xarunta nabadsugida Qaranka.

Sarkaalk xogtan na siiyey ayaa intaa raaciyey in bistooladaha qeybintooda shalay laga dareemay magaalada Muqdisho .

Qiimaha bistooladaha magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhac laga dareemay, waxaana qimaheeda uu horey u ahaa 2,000 dollar, halka iminka uu marayo 1,200 oo dollar.

lama cadeyn karo in hoos u dhacan la xiriiro bistoolaha la qeybiyey iyo in kale, inkastoo ay dad qaarkii ay sidaas u macneeyeen.
Go’aanka uu taliyihi hore ku qeybiyey bistooladaha ayaan la ogeyn inuu yahay go’aan ay dawladda ka warqabto iyo inuu yahay mid isaga u gaar ahaa, ka hor inta aan shaqada laga ceyrin.

Tan iyo bilawgii bishi Ramadan ayaa ku dhawaad 70 qof oo isugu jira xildhibaano, shaqaale dawladeed iyo dad rayid ah lagu dilay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com