Daawo: Cabdi Shire Warsame: Nabada Jubba waxa hortaagan waa R/W CABDI WELI, kana daran Axmed Madoobe

Dr, Abdi Shire Warsame, oo ka mid ah hoggaaminta golaha nabada iyo midnimada gobollada Jubba ee uu madaxda u yahay Col, Barre Aden Shire ” Hiiraale” ayaa socdaal baryahan socdaal uu ku marayey wadamada Yurub kusoo gaaray dalka Netherlands, kadibna warbixin ka siiyey halka ay wadahadaladii gobolladaasi marayaan.

Dr, Abdi Shire Warsame oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta mataanaha ah ee ka dhisan Netherlands SOMNEWS TV iyo Kismaayo24.com, kuwaasi oo kula kulmay magaalada The Hague oo uu shir u yimid. isagoona ugu horeyn ku tilmaamay socdaalkiisa xog is-dhaafsi ay la yeelanayaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobollada Jubba.

” Waxaan socdaal dheer kusoo maray dalalka UK, Germany iyo Holland oo aan hadda joogo, waxaana u imid sidii aan dadka gobollada Jubba jooga uga tashan laheyn xaalada gobolladaasi ka jirta, waxaana kasoo baxay halkaasi wax-wada qabsi buuxa. Dalal kale oo Yurub ahna waan usiii gudbi doonaa” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay wadahadalkii laga dhexwaday iyaga iyo maamulka Ahmed Madoobe oo uu sheegay inuu mar hore wadahadalkaasi hakad galay kadib markii sida uu sheegay Ahmed Madoobe ka leexday hishiiskii lagu gaaray magaalada Adis Ababa, isagoona intaasi raaciyey in dib u hishiisiin la gaaro iska dhaafi xaalkii gobolladaasi ay arrinta sii cakirtay.

” Markii xukuumaddii Dr, Saacid Farax Garaad khilaaf la geliyey ayaa waxaa dhacday in Ahmed Madoobe waxa uu doono iska sameysto oo uu maamul aan loo dhameyn isaga dhawaaqdo. Taasina waxay dhalisay inay arrinkii gobolladaasi Jubba sii cakirantay” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.
Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed ayuu ku sheegay shaqsi rabay inay xal laga gaaro Jubba balse waxaa uu qaaday wadooyin qaldan oo xaalkii sii fogeeyey kadib markii uu socdaal ku tahay Kismaayo, socdaalkaasi oo uu dhinac ka mid ah kuwii is hayey taageero siinayey, halka kuwii kale geeska gelinayey. Taasina ma ahan wixii laga sugayey ee waxaa la doonayey in wadahadal uu dhexgdhigo garabyada is haya, ayuu yiri Abdi Shire Warsame.

Dhinaca kale Dr, Abdi Shire Warsame waxaa uu wareysigan uu siiyey SOMNEWS TV iyo KISMAAYO24.COM uga hadlay ciidankii dhawaan Ahmed Madoobe ka soo goostay ee uu hoggaaminayey Farxaan Daahir Shidane kadibna kusoo biiray garabka Barre Hiiraale iyo waxa ka jira, isagoona sheegay inay ciidankaasi jiraan, sidoo kalana ay wadada kusoo jiraan kuwa hor leh oo doonaya inay qeyb ka noqdaan isbadel in lagu sameeyo waxa ka jira maanta Kismaayo.

” Ciidankaasi waa jiraan oo waxay kasoo goosteen Ahmed Madoobe iyo waxa lagu hayo Kismaayo, waana run inay u yimaadeen ciidanka Goobweyn jooga, sidoo kalana waxaan idin sheegayaa inay jiraan kuwa intaasi ka badan oo baryaha soo socda halkaasi isaga soo tegi doona. Maadaama wax aan loo dulqaadan karin ka jiraan Kismaayo” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Ahmed Madoobe ayuu sheegay inuu u aqoonsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba, oo aysan u aqoonsaneyn wax la yiraahdo ” Madaxweynaha maamulka Jubba” cidii ugu yeertana ay u aqoonsan doonaan inay yihiin nabad-diid iyo danbiilayaal. Waxaana uu intaasi raaciyey in dagaal xabad ah aysan kala dhexeen Ahmed Madoobe balse ay kala dhexeyso is faham la’aan ka dhex taagan hirgelinta hishiiskii Adis-Ababa.

” Ahmed Madoobe waxaa ugu weyn ee inaga dhexeeya waa hirgelinta hishiiskii uu isagu ku noqday hoggaamiyaha KMG ee Jubba oo uu waddo qaldan qaadsiiyey, annagana aan leenahay wadadii saxda aheyd kusoo celi. Mas’uuliyada arrintaasi ka dhalatana waxaa qaadi doonta dowlada Soomaaliya”

Dhinaca kale mucaaradkii la safka ahaan jiray, hadase ku biiray Ahmed Madoobe sida uu u arko iyo inay dhaawac u keeneyso arrintaasi ayuu waxaa uu sheegay in Cabdi Baaleey iyo Xasan Baasto iyaga oo qura ku biireen Axmed Madoobe balse waxaa ku dhacday ayaandaro kadib markii ay ciidankooda jooga Goobweyn diideen inay hishiiska ay la galeen Ahmed Madoobe qaataan, taasi ayaana annaga guul inoo ah ee laba nin oo iska tagay dhib naguma heyso. Balse Suldaan Abdiqadir Luga-dheere oo madaxweyne kuxigeenka labaad ka ah maamulka Jubba ayuu sheegay inuusan markii horeba ku jirin mucaaradkooda.
” Raga ku biiray Ahmed Madoobe ujeedka laga lahaa waa in ay ciidankooda jooga Goobweyn soo xareeyaan balse taasi waa ku guuldareysteen, oo waxba kuma soo kordhin karaan Kismaayo maamulka jooga, annagana waxba nagalama tegin, waana inoo guul taasi sida aan u aragno” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan dib u hishiisiinta iyo nabad kusoo dabaalida gobollada Jubba.

” Dowlada ayaa hor taagan higelinta hishiiskii Adis Ababa, maxaa yeelay waxaa ay aheyd in Ahmed Madoobe garoonka iyo dekada la gala wareego lix bilood gudaheed, dowlada lama wareegin. Shir dib u hishiisiin inay qabato oo aysan cidina ka bartin, maxaa yeelay waa dowladeenii, mana ahan in Ahmed Madoobe kaliya awood la siiyo ” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame oo intaasi kusii daray.

” Ra’iisul wasaaraha Kismaayo ayuu tegay waxaana uu awood dheeri ah iyo garabba siiyey Ahmed Madoobe, waxaana ay taasi muujineysaa in dib loogu celinayo Soomaaliya sheekadii qabiilada ee aheyd Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle. Mana fiicna in dib loogu noqdo dagaaladii 1991, waxaana looga gudbi karaa waa in shirweyne guud la qabto ee ma ahan in jilibyo gaar ah la hishiisiiyo” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dowlada Itoobiya ayuu wareysigan ugu baaqay inay ka dhameeyso meel marinta hishiiskii lagu soo saxiixay dalkeeda ee Adis Ababa, isagoona sheegay inay dowladaasi dadaal badan u gashay xalinta arrintaasi balse looga baahan yahay inay go’aankeedaasi ku dhaganaato. Waa sida uu hadalka u dhigay Dr, Abdi Shire Warsamee.

Ugu danbeyntii wareysigan uu Abdi Shire Warsame uu siiyey K24 iyo Somnews TV ayuu ugu baaqay shacabka kasoo jeeda gobollada Jubba inay ka shaqeeyaan dib u hishiisiintooda iyo nabad ku wada noolaansho aan dibada looga keenin. Taasi oo lagu gaari karo ayuu yiri wax-wada-qabsi iyo dhammaadka dagaaladii qabiilka.

Halkan hoose ka daawo  wareysiga

Waxaa wareysigan u qaaday labada warbaahin Sayid Ali Caseyr.
Camarada: Abdiweli Ibrahim Garyare
Farsamada : Maxamed Shabka .
Xarunta : The Hague, Netherlands.