XOG: Faarax C/Qaadir oo wada qorshe Hawiyeen ah oo dantiisu tahay 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Garsoorka dalka Somalia Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramayaa in uu wado qorshe uu rabo in uu lasoo shirtago Sanadka 2016-ka markaas oo lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxtinamada dalka Somalia.

Faarax Sheekh C/qaadir oo u dhashay beesha Shiikhaal Ow-Xasan oo degta dhulka Somali Galbeed Ethiopia ayaa sanadihii dambe saamiga la wadaago qabiilada loogu yeero .5 ama barka.

Wasiirka garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa kursigaas ka hellay saamiga ama qeybta beelaha barka ama beesha 5-aad.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa wado olole uu ku doonayo in Beeshiisa Sheekhaal Ow-Xasan uu kusoo daro beesha Sheekhaal oo uu qeybta ama saamiga uu la qaato beesha Shiikhaal ee Hawiye, islamarkasna isaga uu noqdo nin kasoo jeedo beelaha Hawiye.

Ujeedka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir uu u sameenaayo arrintaan ayaa lagu sheegay inay tahay inuu u hanqal taagayo in uu u tartamo oo uu noqdo musharaxa Madaxweyne-nimo ee doorasha sanadka 2016-ka iyadoo beelaha loogu yeero barka ama beesha shanaad ay dastuuradii hore iyo Dastuurka kumeel gaarka ee haatan lagu shaqeeyo uu ka mamnuucaayo in qof kasoo jeedo beelahaas uu isku soo taago xilka madaxtinimada Somalia.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu sheegay inuu yahay musharaxa kooxda Dammu Jaddiid ee doorashada soo aadan iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u sheegay in uu dib isugu soo taagi doonin oo uusan u tartami doonin xilka madaxtinimada dalka Somalia doorashada soo socota ee la qorsheenaayo inay dhacdo sanadka 2016, sidaas tarteed uu Faarax Sheekh C/qaadir uu yahay qofka u matali doonno Xisbiga Talada haayo doorashadaas.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa bilaabay goor hore shirar badan oo beesha Shiikhaal Ow-Xasan ay ku yeesheen goobo kala duwan oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa si looga dhaadhiciyo beesha Shiikhaal Loobage iyo Shiikhaal Qudub oo haatan wax la qeybsada beesha Hawiye inay ogolaadaan in beesha SHIIKHAAL OW-XASAN lagu soo daro oo laga mid dhigo beelweynta shiikhaaleed.

Ilo wareedyo ku dhow Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegaya in Wasiirka uu kulamo la qaatay xildhibaanada beelaha Shiikhaal Loobage iyo Shiikhaal Qudub ee ku jiro Baarlamaanka inay arrintaan gacan ka siiyaan islamarkaasna laga dhaadhiciyo Odayaasha Dhaqanka beelahaas inay ogolaadan oo ay ansixiyaan Shiikhaal Ow- Xasan.

Qorshahaan uu wado Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la sheegay inay ku baxayso lacago badan waxaana qorshahaas hogaan u ah nin la dhashay Wasiirka Faarax Sheekh C/qaadir.

Si kastaba Faarax Sheekh C/qaadir ayaa door weyn ku leh Xilligaan Siyaasadda Dalka Somalia tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Madaxweynaha Somalia ku guulaystay sanadkii 2012.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com