Reer Khaatumo: DF nooma aysan hiilin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ka gaabisay ka hadlida dagaallada ku soo noq-noqday magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka muuqato mas’uuliyad darro iyo karti xumo sidda uu hadalka u dhigay maadama aaney weli ka hadlin gar-darrada maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in dowladda looga baahnaa in ay la timaado mas’uuliyad iyo in ay ka hadasho duulaanka qaawan ee maamulka Somaliland ku heyso deegannada uu ku arrimiyo maamulka Khaatumo State.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka muuqata mas’uuliyad darro iyo karti xumo iyo aaneyba ogeyn in ay mas’uul ka tahay shacabka, marka waxaan leenahay arrintaas waa dhaliil ay lee dahay ee ha iska badasho” ayuu yiri xildhibaanku.

Wuxuu kaloo sheegay xildhibaanku in maamulka Puntland uusan sheegan karin deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State.

Wuxuu sheegay oo kale in dadka ku nool deegannada maamulka Khaatumo ay ahaayeen kuwii ka dhiidhiyay gumeestihii heestay Soomaaliya sannadkii 1951-dii.

Si kastaba, hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shaley dagaallo ay ka dhaceen deeganno ku yaalla Taleex.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com