Video: Mowqifkii Farmaajo ee doorasho qof iyo cod ah oo u muuqda inuu dabcay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Dhuusamareeb kusoo xirmay shirkii wada-tashi ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasi oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashooyinku.

Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan-yahay inuu hormuud u yahay qorshaha VILLA SOMALIA ee muddo kordhinta, ayaa waxa uu shirka Dhuusamareeb ka sheegay inuu diyaar u yahay in laga wada tashado doorashada dalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale furitaanka shirkii Dhuusamareeb ka sheegay inuusan diidaneyn nooc doorasho oo kale, wallow uu si xawli ah ku socda qorshaha muddo kordhinta ee ay wado VILLA SOMALIA, iyada oo ku doodeysa doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan niyad jabin, maadama uu xusay inay isku tanaasul sameyn doonaan madaxda dalku, kadib marka ay wada-tashiyo badan oo dhinac kasta ah ay soo sameeyan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inaysan wada-tashiyada dowladda federaalka iyo maamulada dalku aysan fashilmi doonin, taasi oo horseedi karta hadey dhacdo dhaawac weyn oo dhanka geedi socodka ah.

Farmaajo ayaa u muuqda mid ku guuleystay inuu gebi ahaanba meesha ka saaro khilaafkii xoogana ee kala dhaxeeyay maamulada dalka, kuwaasi oo markii hore meel adag ka taagna arrimaha doorashooyinka.