Maxaa sababay dhimashada askariga ka tirsanaa Amisom ee kusoo jeeday Somalia?

Nairobi (Caasimadda Online) – Askari ka mid ahaa ciidamada hawlgal-ka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Machakos oo koofur bari kaga beegan magaalada Nairobi.

Askarigaan waxaa la geeriyooday askari kale iyadoo magacyadooda lagu sheegay Jacob Agunda iyo Roberto Mumu, waxeyna ka wada tirsanaayeen ciidamada cirka dowladda Kenya.

Labadaan askari ayaa kusii jeeday Gaarisa iyadoo Roberto oo 32-jir ah uu doonayay inuu usii gudbo Soomaaliya halkaas oo uu shaqo qaran ka hayay, waxaana sida la sheegay lagu aasay tuulada Miumbuni oo ku taala magaalada Kitu oo ku taalla bariga dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya waxey qireen in askarigaan uusan ka tagin wax caruur ah, sidoo kalana waxey ogaadeen in saaxiibadiisa shaqada iyo ehelkiisaba ay si aad ah uga murugoodeen geerida ku timid Robert.

Daily Star oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Nairobi ayaa sheegay inuu ahaa canuga 4-aad ee qoyskiisa.

Si kastaba ciidamada Kenya ayaa la rajeynayaa iney Soomaaliya isaga baxaan sanadka soo aadan, waxaana soo dhamaanaya 10-sano oo ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya iyagoo qeyb ka ahaa qorshaha la dagaalanka argagixisada.