Sawirro: Axmed Madoobe iyo wasiir ka tirsan DF oo ay aad isku hayeen oo kulmay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Dhuusamareeb ku kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirrada Jubbaland ku metela dowladda dhexe.

Xubnaha uu Dhuusamareeb kula kulmay Axmed Madoobe waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Wasiir Hilaal oo ka soo jeeda Jubbaland iyo Axmed Madoobe waxaa dhex maray dagaal adag oo siyaasadeed, wixii ka dambeeyey doorashadii sanadkii hore ka dhacday Kismaayo, balse sida muuqata hada waxaa soo idlaaday dagaalkii siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Maxamuud Hilaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo daadejinta dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland.

“Kulan muhiim ahaa oo aan yeelanay aniga iyo Madaxweynaha DG Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaan diirada ku saarnay arrimaha ay ka mid ka yihiin hergalinta dib-uheshiisiin balaaran oo ay kawada qayb galaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada,taaba galinta nidaam ka dowladaha hoose, daa dajinta adeeg yada DG ilaa heer Tuulo iyo ugu danbayn xoojinta wada shaqaynta DFS gaar ahaan xoraynta degaanadda ay gacanta ku hayaan nabada diid ka ee ka tirsan DG Jubaland” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Maxamuud Hilaal.

Tan iyo markii Axmed Madoobe bishii Agoosto ee sanadkii hore uu markii seddaxaad ku soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo, khilaaf adag ayaa kala dhexeeyay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha, taas oo sababtay in maamulka Axmed Madoobe laga fara-maroojiyo guud ahaanba gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo meel kasta oo hadal uu ka jeedinayo eedeymo ugu soo jeedi jiray madaxda federaalka, ayaa haatan gaba-gabada shirkii Dhuusamareeb ku shaaciyey in wax kasta oo jiray hoos loo dhaqay.

Waxaa xusid mudan in dagaal ay muddo dheer madaxtooyadu kula jirtay Axmed Madoobe uu bartamihii bishii hore ee June uu ku soo biya shubtay, in laba sano madaxweyne ku meel gaar ah loogu aqoonsado Axmed Madoobe, wallow Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga biya diiday in laga jaro labada sano ee kale.