DF SOMALIA oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee Dhuusamareb

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee la filayo in saddex toddobaad kadib uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in shirkaas ay ka qeyb-galaan xubnaha mucaaradka dowladda ee kala hoggaamiya xisbiyada dalka ka jira.

Maareeye ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo geba-gebeeyey Dhuusamareeb ay dhinacyadii ka qeyb galay ee madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada dalka, oo muhiim u ah siyaasadda dalka.

Waxaa uu sheegay inay waajib aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu si cad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan.

Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, islamarkaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in xisbiyada mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la filayo in uu 15-ka Bisha Agaust ka dhaco magaalada Dhuusamareeb.

Hadalka Maareeye ayaa imanaya xilli ay isbedello ay ku yimaadeen aragtidii Villa Somalia ee doorashooyinka dalka. Horey ayaa madaxweyne Farmaajo u diidanaa inuu maamul goboleedyada kala hadlo doorashada, isaga oo ku doodi jiray inay matalaan xildhibaanadooda, taasi oo ugu dambeyn uu ka tanaasulay kadib markii uuu ka qeyb-galay shirka Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celisay in dowladda ay doorashooyinka kala tashato dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana hadda muuqata in ugu dambeyn ay dowladda qaadatay taladaas.

Shirka 15-ka August ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo, ayada oo ay kasoo shaqeyn doonaan guddi dhowaan la dhisayo oo ka kooban dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.