DF oo hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay Kenya kadib arrin lagu ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo kusoo socotay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaan gashan Kenya ayaa waxay sidday 80 qof oo rakaab Soomaali ah, kuwaasi oo diyaaradda ay usoo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in diyaaradda sababta loo celiyey ay tahay qaad lagu soo qariyey, oo la ogaaday markii ay diyaaradda soo duushay.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey. Arrintan ayaa la sheegay inay u sameeyeen si ay uga hortagaan in diyaaradda laga mamnuuco Soomaaliya, haddii qaad laga helo marka ay soo degto.

Mas’uuliyiinta shirkadda Jetways ayaa markii hore la xiriiray hay’adda duulista rayidka Kenya ee KCAA, kana codsaday in diyaaradda lasoo celiyo, balse ay u sheegeen inay ka baxday hawada Kenya, taasi oo keentay inay la xiriiraan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markii kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartay  inay dib ugu laabato Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, kadib markii Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka COVID-19 bartamihii bishii March, mana jirin qaad dalka si rasmi ah u yimid wixii markaas ka dambeeyey, marka laga reebo qaar hab dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey.