Jubaland oo shaacisay habka lagu xalinayo xiisada Gedo iyo khilaafka DF Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war cusub kasoo saaray habka loo xalinayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka kadib kulankii Dhuusamareeb ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubaland Maxamed Axmed Sabriye Bassaam ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in “Madaxda DFS iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ku heshiiyeen in khilaafka mudada soo jiitamayey si hoose loo xaliyo xal waarana laga gaaro khilaafkii u dhexeeyey DFS iyo Jubbaland.”

“Si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaas waxaa loo wajahey qaab farsamo kaas oo natiijadiisa la sugayo ka hor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballansanyahay 15 Agoosto 2020,” ayuu yiri Bassaam.

Bassaam ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku dayayo in xalka loo helo ay ka midka yihiin arrinta gobolka Gedo, oo ka mid ah waxyaabaha xasaasiga ah ee ay labada dhinac isku hayaan.

“Arrinta gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa la filayaa in mudadaas lagu xaliyo wixii dhaceyna si dhab ah looga wada garaabo,” ayuu yiri Bassaam.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama waqtigii dowladda uu sii dhamaanayo ay ka hartay dagaalkii ay kula jirtay maamulkaas.

Qoraalladii dhowaanahan kasoo baxayey Villa Somalia ayaa Axmed Madoobe ugu yeerayey madaxweynaha Jubaland, ayada oo laga tegay ereygii madaxweyne ku-meel gaar ah, oo ay horey uga adkeysan jirtan.