28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Video: Muungaab oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho Jeneral Muungaab ayaa weerar culus oo dhinaca afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab ayaa sheegay in sida qoraxda oo kale ay u caddahay in loo baahan yahay in la beddelo hoggaanka sare ee dalka.

“Hoggaanka kooxeysiga ku dhisan ee madaxweyne Xasan Sheekh, si fudud ayaa looga qaadi doonaa” ayuu yiri Xasan Muungaab, oo caddeystay inuu kasoo horjeedo in Xasan Sheekh uu dalka dib u hoggaamiyo.

Muungaab ayaa ka hadlayey munaasabad uu Prof. Cali Maxamed Geedi, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo hadalka Muungaab

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News