Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban, Dr. C/risaaq Barre Jaamac ayaa daboolka ka qaaday in loogu hanjabay in la qaarijin doono haddii uusan ka hor leexan Xubnaha laga saaray Liiska.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in labadii maalin ee ugu danbeysay loogu hanjabaayay in la qaarijin doono, isagoo tilmaamay inuusan garankarin sababta loogu goodiyay.
Guddoomiyaha waxa uu cadeeyay in Amaankooda uu halis ku jiro, isla markaana isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga soo gaareen farriimo loogu hanjabayo.
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban, C/risaaq Barre Jaamac isagoo ka hadlaayay Hanjabaada ayaa waxa uu yiri ”Waxaa khatar ku jira Ammaankeenna, mana helno Mushaarad”
”Fariimaha noola soo diray waxaa lagu cadeeyay in qaabab kala duwan noola khaarijin doono aniga iyo xubnaha kale, waxaan ku baaqeynaa in laga warqabo amaankeena”
”Haddii ay nasoo gaaran dhibaatooyin waxaan xaqiijineynaa inay ka danbeeyan Xubnaha laga saaray Liiska Xildhibaanimo iyo kuwa wali lagu dhagan yahay”
Haddalka Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashadda Dadban, ayaa imaanaya iyadoo 21 xubnood ee laga diidan yahay kamid noqoshada Baarlamaanka ay dhaliilo hawada u marinayaan Beesha Caalamka iyo Guddiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

