26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Goodax oo arrin yaab leh ka dhex sameeyey Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Khilaafka ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre uu banaanka usoo baxay.

Khilaafka labada mas’uul ayaa dhaliyay in Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre uu Shahaadadiisa Xildhibaanimo ku hor jeejeexay Madaxweynaha Somalia, xili uu Madaxtooyada Somalia uga qeybgalaayay kulan.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre, ayaa Madaxweyne Xasan u sheegay in Shahaadada aysan waxba usoo kordhin doonin, waxa uuna tilmaamay inuu heysto ID karka Xildhibaanimo.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre, ayaa Madaxweyne Xasan ku tilmaamay inuu yahay shaqsi aan arxan laheyn, waxa uuna cadeeyay in xubinimadiisa ay tahay mid miisaan ugu fadhisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre ayaa bilihii ugu danbeeyay uu ka dhexeeyay Khilaaf kaasi oo markii danbe gaaray heerkii ugu xumaa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa aad uga soo horjeeday in Xildhibaan Goodax uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News