Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed uu kamid noqon doono Musharaxiinta loolanka doorasho kula jira Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aanka uu C/kariin Guuleed isku soo sharaxaayo ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka danbeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo xili danbe doonaaya in Codka loogu shubo.
Guuleed ayaa waxaa lagu jabinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo waayadaani uu kala dhexeeyo Khilaaf xoogan, waxa uuna iminka garab u yahay Cumar C/rashiid.
Dhaqaalaha Guuleed uu isku soo sharaxaayo, ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu bixinaayo Ra’isul wasaare Cumar, waxa ayna taa sii xoojineysaa xiriir xumida ka dhexeeya Xasan iyo Guuleed oo dadka isaga dhawaan jiray.
Tani waxa ay imaaneysaa xili dhawaan Dowlada Imaaraadka ay tashkiilin ku bilowday Hogaamiyayaasha Gobolada dalka oo la doonaayo inay garab u noqdaan Cumar C/rashiid.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

