Video: Odowaa oo sheegay waxa dhacaya marka ay dhamaato mudada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, ahna mudane ka tirsan golaha shacabka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si kulul uga hadlay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo maraya xili gabaabsi ah, iyada oo weli xal rasmi ah laga gaarin muranka doorashada.

Odowaa ayaa sheegay inuusan jirin waqti u haray madaxweyne Farmaaj, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba la aqbaleyn in muddo xileedkiisa ka badan uu kusii jiro Villa Somalia.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxtooyada aysan sii ahaan doonin Madaxtooyo haddii uu kusii jiro madaxweyne Farmaajo, oo xiligan uu muddo xileedkiisa ka hartay wax ka yar toddobaad.

“Madaxweynaha haddii waqtigiisi uu dhamaado, wax waqti ah oo u haray majiro aniga iyo madaxweynaha dad guryahooda jooga ayaa noqoneyna. Villa Somalia ayaa ruuxeeda isku badaleysa guri la dagan yahay, waxay Villa Somalia ku tahay waa waqtiga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

Waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha uu xilkooda ku mudeysan yahay waqti, isla markaana ay noqonayaan dad shacab ah oo guryahooda jooga, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmo kooban ka hareen muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna weli socdaan dadaalo lagu xalinayo muranka doorashada, taasi oo uu bilow u yahay shirka wada-tashiga ah ee maanta ka furmay Dhuusamareeb.