Mid ka mid ah guddoomiye degmooyinka G/Banaadir oo lacag kusoo rogay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed, ayaa soo saaray amar lacag looga qaadayo dadka ku nool xaafadaha degmada, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Amarka guddoomiyaha ayaa dhigaya in qoys walba laga rabo lacag tobon doollar ($10), taas oo lagu sheegay hormarinta degmada, balse aan faah-faahin laga bixin, sida ku cad warqadda resiitka, oo ay heshay Caasimada Online.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xamar Jajab ayaa Caasimada Online u  sheegay in qoysaska bixin waayo lacagtaas loogu hanjabayo in la xiri doono, islamarkaana qaarkood ganaaxyo lacageed la dul dhigi doono. 

Amarka guddoomiyaha ayey Caasimada Online ogaatay in uu yahay mid u gaar ah oo aan ka soo bixin maamulka gobalka Banaadir. 

Xubno ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka kale ayaa sheegay in aysan helin wax amar ah oo gobalka ka soo baxay, kaas oo tilmaamaya in guddoomiyaasha aruurin karaan lacag laga rabo dadweynaha, halka guddoomiye ku xigeenada Xamar Jajab sheegeen in uusan jirin amar gobalka ka soo baxay balse go’aankaan uu gaar yahay guddoomiyaha degmada. 

Caasimada Online kuma guuleysan in ay hesho guddoomiyaha degmada ee la eedeeyay, waxaase isku dayi doonaa inaa helno si aan u ogaano sababta lacagtan loogu soo rogay shacabka.

Hoos ka eeg warqadda, oo aan qarinay magaca qofka nala wadaagay iyo lambarka.